WHO EMRO
  • Regions
WHO EMRO
WHO Regional websites
Africa Africa
Americas Americas
Asie du Sud-Est Asie du Sud-Est
Europe Europe
Méditerranée orientale Méditerranée orientale
Pacifique occidental Pacifique occidental
  • Home
  • Health topics
  • Health topics
  • Data and statistics
  • Media centre
  • Information resources
  • Countries
  • Programmes
  • About Us
Search Search

Search

- All words: Returns only documents that match all words.
- Any word: Returns documents that match any word.
- Exact Phrase: Returns only documents that match the exact phrase entered.
- Phrase Prefix: Works like the Exact Phrase mode, except that it allows for prefix matches on the last term in the text.
- Wildcard: Returns documents that match a wildcard expression.
- Fuzzy query: Returns documents that contain terms similar to the search term. For example: If you search for Kolumbia. It will return search results that contain Columbia or Colombia.
  • Global
  • Regions
    WHO Regional websites
    Africa Africa
    Americas Americas
    Asie du Sud-Est Asie du Sud-Est
    Europe Europe
    Méditerranée orientale Méditerranée orientale
    Pacifique occidental Pacifique occidental
Search Search

Search

- All words: Returns only documents that match all words.
- Any word: Returns documents that match any word.
- Exact Phrase: Returns only documents that match the exact phrase entered.
- Phrase Prefix: Works like the Exact Phrase mode, except that it allows for prefix matches on the last term in the text.
- Wildcard: Returns documents that match a wildcard expression.
- Fuzzy query: Returns documents that contain terms similar to the search term. For example: If you search for Kolumbia. It will return search results that contain Columbia or Colombia.

Select your language

  • اللغة العربية
  • Français
WHO EMRO WHO EMRO
  • Home
  • Health topics
    • All Topics »
    • A
    • B
    • C
    • D
    • E
    • F
    • G
    • H
    • I
    • J
    • K
    • L
    • M
    • N
    • O
    • P
    • Q
    • R
    • S
    • T
    • U
    • V
    • W
    • X
    • Y
    • Z
  • Health topics
  • Data and statistics
  • Media centre
  • Information resources
  • Countries
  • Programmes
  • About Us
  1. Somalia
  2. Press releases

Isu-gudbinta cudurka dabeysha oo aan weli ka dhammaan Soomaaliya

Gaalkacyo, Soomaaliya 22 Luuliyo 2014 – In kasta oo uu socdo olole tallaal oo xooggan, haddana waxaa afar xaaladood oo cusub oo cudurka dabeysha ah lagu arkey Soomaaliya sanadkaan dhexdiisa taas oo tirada dadka uu cudurka ku dhacay tan iyo markii uu dillaacay bishii Maajo 2013 ka dhigeysa 198 – badidoodu yihiin carruur. UNICEF iyo WHO ayaa ka digey in haddii aan la wada tallaalin dhammaan carruurta, ay sii badan doonto tirada dadka uu ku dhaco cudurka.

Digniintan ayaa la bixiyey markii ololihii tallaalka ee ugu dambeeyey laga bilaabayey Puntland, oo ah waqooyi bari Soomaaliya halkaas oo dhammaan xaaladaha cudurka ee sanadkan dhacay lagu arkey degmada fog ee Jerriban ee ka tirsan gobolka Mudug. Saddex ka mid ah kuwa cudurku uu ku dhacay waa carruur 10 sano jir ka yar halka midna uu yahay qof weyn oo 29 sano jir ahaa oo markii dambe u dhintey. Dadkaa midkoodna horey loogama tallaalin cudurka dabeysha. Wareeggan tallaalka ayaa socon doona ilaa 25ka Luuliyo waxaana lagu beegsan doonaa ku dhowaad nus milyan carruuur ay da’doodu ka yar tahay 10 sano jir ah oo ku nool degaanka uu cudurku ka dillaacay iyo siddeed degmo oo ku hareereysan.

‘Wax ka qabashada cudurka dabeysha ee dillaacay waa mid ka mid ah arrimaha mudnaanta ugu weyn u leh Qaramada Midoobey iyo guud ahaan bulshada bani’aadamnimada,’ ayaa uu yiri Xiriiriyaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, Philippe Lazzarini. ‘Waa in aan sii wadnaa taageerada aan maamullada caafimaadka Soomaaliya ku siineyno xaqiijinta in Soomaaliya ay xor ka noqoto cudurka dabeysha.’

Bishii Maajo 2013, xaaladdii ugu horreysey ee cudurka ee muddo lix sano ah la arko ayaa lagu arkey magaalo-madaxda dalka ee Muqdisho. Waqtigaas ayaa waxaa la qiyaasey in carruur ka badan nus milyan oo shan sano jir ka yar oo ku nool degaannada aan la geli karin aaney tallaalneyn.

‘Soomaaliya waxaa ay horumar badan ka sameysey joojinta faafidda cudurka, iyada oo taageero ka heleysa UNICEF iyo WHO laakiin waa in ay weerarkii ugu dambeeyey ku qaaddaa si cudurka mar kale looga cirib-tiro Soomaaliya,’ ayaa uu yiri Dr. Ghulam Popal, oo ah Wakiilka WHO Somalia oo jooga Gaalkacyo si uu ula socdo sida loo hirgelinayo ololahan ugu dambeeyey.

Tan iyo bilowgii markii uu dillaacay cudurka, in ka badan 1.5 milyan oo carruur shan sano jir ka yar ah iyo weliba 5.5 milyan oo ka weyn shan sano jir ayaa lagu tallaaley degaannada la gaari karey.

‘Waa masiibo in carruur aad u badan oo Soomaaliyeed uu naafeeyey fayruska oo uu noloshoodana baabi’iyey – iyada oo tallaalkuna si lacag la’aan ah lagu heli karo,’ ayaa uu yiri Sikander Khan, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia. “Cudurka dabeyshu waa mid aad u faafa waxaana ilmo kasta oo aan si habboon looga tallaalin cudurka dabeysha uu halis ugu jiraa in cudurku uu naafeeyo ama xataa uu dilo.”

Fayruska cudurka dabeysha waxaa ay si degdeg badan ay dadku isugu gudbin karaan biyo ama cunto ay gaartey wasakhda/saxarada aadanaha ee qof sida fayruska. Fayadhowr habboon ayaa ah mid ka mid ah siyaabaha looga hortegi karo faafidda cudurka. Cudurka dabeyshu ma lahan daawo waxaana uu tallaalka – oo ah keliya laba dhibcood oo afka laga qaato – uu yahay mid ammaan ah, taabogal ah oo ka hortagana naafoobidda. Carruurta waa in dhowr jeer la tallaalaa si loo hubiyo in inta ay nool yihiin ay ka badbaadaan cudurka waxaana jirta in sidoo kale dadka waaweyn ay noqon karaan kuwo fayruska sida.

Read the press release in English

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:

UNICEF: Swangin Bismarck
+254 722 206 883 This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

WHO: Dr Abraham Mulugeta
+ 254 733 770192 This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Call
Send SMS
Add to Skype
You'll need Skype CreditFree via Skype

Jadeeco ayaa halis ku haysa kumannaan carruur Soomaaliyeed ah

Muqdisho, Garoowe, Hargeysa, 10ka Juunyo 2014 – Jadeeco ka dillaacdey gobollada qaar ayaa sababtey in kumannaan carruur Soomaaliyeed ah ay halis u galaan naafannimo ama dhimasho haddii aan degdeg looga tallaalin cudurkan oo ah mid aad u faafa.

Bilihii Maarso iyo Abriil 2014ka waxaa la arkey in ka badan 1350 xaaladood oo jadeeco looga shakiyey – tiradan oo afar jeer ka badan tii la arkey isla muddadaan oo kale sanadkii hore waxaana bishii Maajo oo keliya la soo sheegey ku dhowaad 1000 xaaladood.

Si dhibaatada wax looga qabto, ayaa maamullada caafimaadka, oo taageero ka helaya UNICEF, WHO iyo la-hawlgalayaal kale, waxaa ay fuliyeen ololayaal tallaal oo baaxaddoodu kooban tahay waxaana ololayaal ballaaran ay bisha Juunyo ka fulin doonnaan degaannada ay sida ugu badan u saameysey ee gobollada Bari, Nugaal, Mudug, Banaadir iyo Jubbada Hoose iyaga oo beegsanaya carruur nus milyan ah oo shan sano jir ka yar.

‘Waxaa jira carruur Soomaaliyeed oo tiro badan oo ay nafaqo-xumo hayso,’ ayaa uu yiri Sikander Khan, oo ah Wakiilka UNICEF Somalia. ‘Carruurta nafaqo-xumadj hayso ayaa u nugul cudurrada – ayna u badan tahay in ay u dhintaan ama la silcaan naafanimo haysa inta noloshooda ka harsan sida indhoolenimo, dhegoolenimo ama dhaawac maskaxeed oo ay sababto jadeeco ku dhacda.’

Colaad labaatameeyo sano socotey ayaa burburisey waaxdii caafimaadka ee Soomaaliya, taas oo dalka ka dhigtey mid ka mid ah kuwa leh tilmaamayaasha caafimaadka iyo kuwa nafaqada ee ugu xun dunida oo dhan. Qiyaastii shantii carruur ahba mid ayaa dhinta ka hor inta uusan shan sano jirsan – iyada oo jadeecaduna ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee geeridooda.

‘Arrintan ayaa ah mid dhiillo weyn huwan. Hannaanka caafimaadka ee dalka ayaa ah mid aad u liita colaadda sanadaha socotey daraaddeed,’ ayaa uu yiri Dr. Ghulam Popal, oo ah Wakiilka WHO Somalia. ‘Waxaan ognahay in nisbo aad u hooseysa oo carruurta Soomaaliyeed ahi ay tallaallan yihiin waxaana u baahannahay in aan degdeg u tallaalno tirada ugu badan ee suuragal ah.’

Waxaa la qiyaasayaa in wax ka yar saddex-meelood meel carruurta Soomaaliyeed ee sanad jirka ah jadeecada looga tallaaley adeegyada tallaalka ee joogtada ah sanadkii 2013dii. Degaanno ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa nabadgelyo-xumadu ay sababtey in saamiga carruurta la tallaaley uu aad u hooseeyo oo uu gaarayo ilaa 15%.

WHO iyo UNICEF ayaa sheegey in degdeg loogu baahan yahay ololayaal tallaal oo dalka oo dhan laga wada fuliyo si looga hortago in kumannaan ay dhintaan. Tani waxaa ay la halmaashaa in la tallaalo ilaa 5 milyan oo carruur iyo dhallin ay da’doodu u dhaxayso 9 bilood ilaa 15 sano ah iyada oo kharashka ku baxayana uu yahay qiyaastii US$9 milyan oo doolar.

WHO ayaa qiyaasaysa in marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah sida kuwa Soomaaliya oo kale, ay 10% carruurta ay ku dhacdo jadeecada ay u dhiman karaan dhibaatooyin uu cudurku ku keeno.

Read the press release in English

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:
UNICEF: Susannah Price
+254 722 719867
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

WHO: Raffaella Vicentini
+254 716 215170
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Measles threatens thousands of Somali children

Mogadishu, Garowe, Hargeisa, 10 June 2014 – Outbreaks of measles in several regions have left thousands of Somali children at risk of disability or death unless they are urgently vaccinated against the highly contagious disease.

In March and April 2014 there were over 1350 suspected cases of measles – four times the number seen during the same period last year and nearly 1000 cases were reported in May alone.

In response, the health authorities, with the support of UNICEF, the World Healh Organization (WHO) and partners, have conducted small scale vaccination campaigns and will carry out larger emergency campaigns in the most affected areas of Bari, Nugaal, Mudug, Banadir and Lower Juba in June targeting half a million children under five.

"We have a very high number of malnourished Somali children," said Sikander Khan, UNICEF Somalia Representative. "Malnourished children here are more susceptible to disease and are more likely to die or suffer life-long disability such as blindness, deafness or brain damage as a result of contracting measles."

Two decades of conflict have decimated Somalia’s health sector, leaving the country with some of the worst health and nutrition indicators in the world. An estimated one in five children dies before their fifth birthday – with measles as one of the main causes.

"This is extremely alarming. There is a very poor health care system due to the years of conflict," said Dr Ghulam Popal, WHO Somalia Representative."We know there have been extremely low immunization rates among Somali children and we need to urgently ensure as many as possible are vaccinated."

It is estimated that less than a third of Somali children under one year were vaccinated against measles in 2013 through routine immunization services. In some areas in central and southern Somalia insecurity has meant that immunization coverage is as low as 15%.

WHO and UNICEF say that a nationwide measles campaigns need to be urgently conducted to prevent thousands of avoidable deaths. This would involve vaccinating about 5 million children and youth from 9 months to 15 years at an estimated cost of US$ 9 million.

WHO estimates that in complex emergencies such as that in Somalia, 10% of children affected by measles could die from complications.

Read the press release in Somali

For more information, please contact:

UNICEF: Susannah Price
+254 722 719867
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

WHO: Raffaella Vicentini
+254 716 215170
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

  • 1
  • 2
  • 3
  • Site map
    • Home
    • Data and statistics
    • Health Topics
    • Media centre
    • Information Resources
    • Countries
    • Programmes
    • About Us
  • Help and services
    • Careers
    • Copyright
    • Privacy
    • Contact us
  • WHO Offices
    • WHO Headquarters
    • WHO African Region
    • WHO Region of the Americas
    • WHO European Region
    • WHO South-East Asia Region
    • WHO Western Pacific Region
WHO EMRO

Privacy policy

© WHO 2026